Madaxda ugu sareysa dalka oo yeelanaya Xisbi Siyaasadeed

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay sameysan doonto xisbi siyaasadeed, kaasoo Madaxda Sare ee dalka ay ugu qeyb gali doonaan doorashadda lagu waddo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in tilaabaddaan ay qeyb ka tahay in dalka doorasho qof iyo Cod ah la gaarsiiyo.

Guddiga doorashooyinka ayuu sheegay in hadda ay diwaan geliyeen xisbiyo kala duwan oo ay leeyihiin dad Siyaasiyiin ah, islamarkaana Xisbiga ay sameysanayaan Madaxda hadda xilka haysaa in uu la mid yahay xisbiyaddaasi.

 Guddiga doorashooyinka ayaa wadda dadaallo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, si loo balaariyo xuquuqda ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana ay diwaangeliyeen Xisbiyo ku dhow 20.