Madaxda Maamul Goboleedyada oo Booqday Goobweyn (Sawirro)

Madaxda Maamul Goboleedyada ee uu shirka uga soconayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gelinkii dambe ee maanta nasasho u tagey Degaanka Goobweyn, oo 11-KM dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Madaxda oo maalintii 3-aad uu shir gaar ah uga soconayo Xarunta KMG ee Jubbaland, ayaa u muuqday kuwa galabta ka nasanayay shirka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland oo waqti ku qaatay Goobweyn, ayaa waxaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya isu imaatinkooda Kismaayo.

Saacadaha soo socda, ayaa waxaa lagu wadaa in dhinacyadaasi ay shirkooda Kismaayo ka soo saaraan War Murtiyeed, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshuhu yahay.