Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku kala qeybsamay safarka madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), uu ku marayo deegano katirsan gobolada dalka.
Qaar kamid ah Madaxweynayaasha maamuladda dalka oo shalay laga sugayay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa dib u dhigay safaradooda,halka kuwa kalana ay gaareen maalinimadii shalay.
Masuulyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubaland ayaa xaqiijiyay inuu jiro kala shaki iyo is aaminaad la aan soo kala dhex gashay madaxda Dowlad-gobbaleedyada dalka taasoo ka dhalatay safarka Madaxweyne Farmaajo ee Puntland iyo Galmudud.
Arrintaas ayaa sababtay in Madaxweynaha Maamulka Jubaland mudane Axmed Shekh Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) uu shalay baajiyay safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka furmayo shirka madaxda Soomaalida, iyo dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayeyso inay kala furfurto Madashii ay Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada ay sanadkii hore ku sameysteen magaalada Kismaayo ee caasimdda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.











