Madaxa Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la dilay

Waxaa caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Sida aan kasoo xiganay dadka Degaanka sarkaalkn la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cilmi Nuur, waxaana la sheegayaa in dablaydii dishay ay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay dhowaan sare u qaadeen howlgallada amni ee magaalada caasimadda ah, xilli laga cabsi qabo in Shabaabku ay sare u qaadaan weeraradooda, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.