Madaafiic ku dhacday guryo dad Rayid ah ay degnaayeen ee Degmada Wadajir

Waxaa goordhow madaafiic hoobiyayaal culus lagu weeraray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Madaafiicdan oo ilaa sedex lagu sheegay ayaa ku dhacay xaafado ay degan yihiin dad rayid ah, ilaa haatana lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sida qof goobjooge ah uu inuu xaqiijiyay waxa uu yiri “dhowr madfac ayaa kusoo dhacay xaafada Tarabuush ee degmadan Wadajir, guryaha shacabka ayaana lala beegsaday”

Ciidamo katirsan kuwa DFS ayaa gaaray halka weeraradaas madaafiicda ah ay ku dhaceen, waxaana soconaya howlgalo lagu baadi goobayo halka madaafiicdaas laga soo tuuray.

Madaafiicdan Muqdisho lagu garaacay ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sugida amaanka Muq