Ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee 17 jirada ah oo dhawaan guula la taaban karo kasoo hooyay tartanka Cecafa ee bariga iyo bartaha Africa ayaa maamulka Gobolka Benaadir waxa uu u sameeyay munaasabd soo dhaweyn ah iyo sidoo kale abaal marin 10.000 oo dollar oo maamulka ugu talagalay ciyaartoydaasi,
ra’isul wasaara kuxigeenka dalka wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowlada soomaaliya Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho taliyaasha ciidamadxa qalabka sida madaxda xiriiraha sportska fanaanin iyo masuuliyiin kale ayaa , kasoo qeyb galay munaasabadani,
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliya ee ku bada cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyay cidkasto oo qeyb ka qaadatay dhiiragalinta ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee 17jirada ah,
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Sportska ee xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in wasaarada ay xoog badan galisay sidii ciyaartoydan usoo gaari lahaayen heerkan ay maanta joogan iyo guulaha ay gaaren,
gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) ayaa ku amaanay ciyaartoyda xulka Qaranka ee 17 jirada ah sida ay kor ugu qaaden qaranka iyo midnimada,
ra’isul wasaare kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar) ayaa ugu danbeyn ugu hambalyeeyay xulka qaranka Soomaaliya guusha taarikhiga ah oo ay gaaren,