Maareeyaha Hey’adda Duulista Hawada oo Shaqo joojin lagu sameeyay

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf (Jaalle).

Maxamed C/laahi Oomaar  Wasiirka Duulista Iyo gaadiidka Hawada ayaa shaqo joojinta ku sameeyay Maareeyaha.

Wasiirka duulista Hawadda Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa , waxaan si KMG ah shaqada loogu soo dhiibay Ku xigeenkiisa Maadaama Yuusuf Shaqadda laga joojiyay.

 Saraakiil ka tirsan Wasaaradda duulista Hawadda ayaa xaqiijiyay in muddooyinkii dambe uu jiray Khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka iyo Maareeyaha.