Xildhibaano ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay doonayaan in Somaliland ay ciidamo u dirto dalka Myanmar, halkaasi oo lagu dhibaato Muslimiinta.
Axmed Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in 15 Mudane ay diyaariyeen Mooshin la horgeynaayo Baarlamaanka ,kaasoo ah in ciidamo dhan 5,000 oo askari loo diro Barma.
Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay ka codsanayaan in ay siiso diyaarado Ciidankaasi lagu qaado oo geeya Burma,Maadaama Somaliland aan la aqoonsaneyn.
Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Militari ee Turkigu aysan ka degi karin Egal Airport taas bedelkeedana Somaliland loogu baaqay in ay ciidamada ay diyaarineyso haday dhab ka tahay ay geeyaan Magaalada Muqdisho oo Caasimad u ah Soomaaliya Halkaasoo uu doonayo in Turkigu ka daabulo.
Somaliland ayaa ugu baaqday dowladda Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.
Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) Madaxweynaha Somaliland oo ku saxiixnaa Warsaxafadeedka ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobey in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah qowmiyada Rohingya.