Maamulka Soomaaliland oo ka Hadlay Shirka London

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aysan ka qayb gali doonin shirka lagu qaban doono  Magaalada London.

Iyadoo maalmo kooban kaliya ay harsantahay shirka magaalada London loogu qabanayo Soomaaliya 11-ka bishan May, ayey “Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland” waxa ay rasmi ahaan u caddeysay mowqifkeeda.

Somaliland ayaa sheegtay in shirka magaalada London  loogu qabanayo Soomaliya aysan quseyn sababo la xariira inay soomaaliya aysan ahayn oo ay yihiin  dal ka madax banana soomaaliya.

Wasiirkan ayaa sheegay in shirkaasi ku egyahay kaliya Soomaaliya balse sheegay in waxii kasoo baxaa ay Gobolka dani ugu jirto.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay welwelka uu ka qabo in soomaaliya laga qaado cuna qabateynta saran ee hubka taasoo uu ku sheegay haddi la qaado inay xaalada gobolka ay faraha ka baxayso, ayna dowladda soomaaliya aysan dooneynin inay nabad ka shaqeeyaan ee ay doonayso inay sii hurinayaan xaalada nabad galyo.