Maamulka Soomaaliland iyo Khaatumo oo heshiisyo wada saxiixday (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa Magaaladda Ceynaba ku saxiixay heshiis dhexmaray labada Maamul.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in Maamulka Khaatumo State oo si rasmi ah ugu biiray Maamulka Somali-land.

Axmed Siilaanyo iyo Cali Galeyr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskaan  uu yahay mid dan u ah umadda labada Maamul.

Gunaanadkii Heshiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yiri“ Waxa weeyi nuxurku :-

1- In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
2- in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
3- in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
4- in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
5- In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
6- In Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
7- In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.