Maamulka Somaliland oo sanadkan baajiyay dabaal-degii 18 May + sababta

 

Maamulka Soomaaliland ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan aysan qaban doonin dabaal degii loo asteeyay in lagu xuso 18 May taasoo ay u aqoonsadeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani) in sababta ay u joojiyeen xuska dabaal dega 18-ka May ay tahay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaanada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland go’aamiyay in sanadkan aan la dhigin dabaal degyadii 18 May, sidaas darteed wixii dhaqaale ee ku bixi jiray dabaal degyada loo wareejinayo gurmadka abaaraha.

Waxaa uu ugu baaqay qurba joogta qaban jirtay xafladaha dabaal dega 18 May inay u bedelaan qaaraan-uruurin, si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen abaaraha ee soo barakacay.

Deegaanada Somaliland ayaa waxay ka mid yihiin meelaha ay ku dhifteen abaaraha, waxaana jira dad iyo duunyo u le’day haraad iyo gaajo.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, 26 sano oo ay ka soo wareegatay gooni isu taaggeeda ma jirto illaa iyo hada aqoonsi caalami ah oo ay heshay balse Bulshada ku dhaqan soomaliland ayaa ku naalooda Nabad.