Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta xasaasiyadda ka dhex dhalisay Dowladda dhexdeeda, ee ku aadan Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji (Gurxan) oo la hadlay VOA ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay ku sax saneyd in (Qalbi-dhagax) ay u dhiibto Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka hadlayo aragtidiisa iyo mowqifka Puntland, sidaasi awgeedna Maamulka Puntland uu taageersan yahay talaabada Dowladda Federaalka ay ku dhiibtay (Qalbi-dhagax).
Bashiir C/raxmaan Xaaji (Gurxan) Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada ee Puntland ayaa ururka Al-shabaab la xiriiriyay Sarkaalkan, wuxuuna intaa raaciyay in isaga oo wafdi ah ku arkay Doolo dhibaato uu ka geystay.
“Puntland juhdi badan ayay gelisay Dowladdnimada Soomaaliya, marna ma aqbaleyno wax dhibaato ku ah ummada Soomaaliyeed, Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in arrintan ay wax ka qabtaan, si shacabka niyadooda ay u degto”. Ayuu yiri Gurxan.
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya