Maalmo kaddib markii qarax miino lagu dilay saraakiil ciidan, ayaa maamulka Puntland wuxuu ciidamo cusub u daad gureeyay buuraha Calmiskaad, si loo qaado wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Howlgalka ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay hoos u dhacay, kaddib markii ciidamadu dib uga soo gurteen Togga Miiraale, taasoo Daacish fursad u siisay inay miinooyin khasaare geystay ku aasaan waddooyinka sahayda usoo marto.
Guutooyin cusub oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa shalay gaaray deegaanka Xabley, iyagoo halkaas ugasii sii dhaqaaqay dhanka goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada Daacish.
Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa madaafiic ku garaacay fariisimo kooxda ay ku leedahay buuraha.
Kooxda Daacish ayaa hadda isku uruursatay laba meelood oo muhiim ah oo ay adag tahay in gudaha loogu galo. Waa Buuraha Xabley iyo Togga Baallade. Labadan goobood ma laha waddooyin ay ciidamadu ku geli karaan gaadiid dagaal, taasoo ku qasbeysa ciidamada in ay isticmaalaan awr ama diyaarado si ay u gaarsiiyaan raashinka iyo biyaha.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in howlgalka lagu soo afjarayo kooxda Daacish uu socon karo ilaa bisha September. Waxaa lagu qiyaasay in buuraha ay ku sugan yihiin in ka badan boqol dagaalyahan oo ay wehliyaan horjoogayaal sare.