Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta

War Saxaafadeed ku qoran luqada Ingiriiska oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu taageeray Isbaheysiga ay Hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka ee xayiraada kusoo rogay Dowlada Qadar.

Koonfur Galbeed Qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed aan lagu tix galin wax wada tashi ahna aan lagala sameyn go’aankii ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Khaliijka.

War Saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in uu maamulkooda garab taagan yahay Isbaheysiga uu Hogaaminayo Sacduudiga.

Koonfur Galbeed War Saxaafadeedka ay soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Imaaraartka Carabta oo kamid ah Isbaheysiga Sacuudiga Hogaamiyo ay Soomaaliya garab ka siiso arimo badan sida dhinaca Bini’aadanimada, Caafimaadka iyo Arimo kale.

Warkan kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu taageeray Isbaheysiga Sacuudiga ayaa kusoo aadaya xili horey Maamulada Puntland iyo Hirshabelle sidan oo kale iyana u taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Dowlada Federaalka oo iyadu masuul ka ah Siyaasada dalka ayaa horey go’aan dhax dhaxaadnimo ah looguna hiilinayay dowlada Qadar ka qaadatay Xiisada Khaliijka, waxaana Qoraalada kasoo baxay maamulada dalka ka jira dhabar jab ku tahay Siyaada Arimaha dibada ee Dowlada Soomaaliya