Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ka hadlay weerar dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shaabab ay ku qaadeen deegaanka Abal oo uu ku sugan yahay Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.
Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Amniga Gudaha ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya C/risaaq Cabdi aadan oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab oo shalay gaaray tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal ay weerar xalay ku qaadeen Muqtaar roobow islamarkaana dagaalka uu soo gaaray ilaa saakay uuna socdo wali.
Waxa uu sheegay C/risaaq Cabdi Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Amniga Gudaha ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya in ogaanshiyaha dagaalkaas in uu soo gaaray subaxnimadii hore ee saakay islamarkaana uu u dhaxeeyay Ciidamo daacad u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo Al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in aysan u gurman doonin Sheekh Mukhtaar Roobow aysana jirin qaab loogu gurmado asagoo ku tilmaamay inuusan ahayn ruux ka tirsan Dowladda ama Gacan saar la leh Maamulka K/Galbeed
Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Amniga Gudaha ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya C/risaaq Cabdi aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya in loo direy deegaanka uu dagaalka ka socdo si ay Al-shabaab kaga difaaceen Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).