Maamulka Jubbaland oo baaraya Duqayn dad Rayid ah lagu dilay

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay duqeyn dad shacab ah loogu geystay degaanka Tarako ee Gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in baaris dhab ah laga sameynayo dhacdadii lagu laayay dadkii shacabka ahaa ee duqeynta ku dhintay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda iyo Maamulka Jubbaland ay baarayaan duqeynta dhacday islamarkaana magdhaw la siinayo dadkii ku waxyeeloobay duqeynta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Jubbaland ay ka xun yihiin dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah ee lagu laayay degaanka Tarako ee Gobolka Gedo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaanka Tarako ka dhacaayay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Kuwa dowladda Federaalka Soomaaliyaoo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale diyaarado la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay degaanka Tarako ee Gobolka Gedo, waxana duqeyntaasi waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.