Maamulka Jubbaland oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu soo farageliyo Khilaafka ka dhashay magacaabista Taliyaha Ciidamada xoogga qeybta 43-aad.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayad Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in uu wax ka qabto Khilaafka taagan.

Waxaa uu sheegay in aan maanta loo baahneyn in uu khilaaf soo gala dhex galo Ciidamada xoogga qeybtooda 43-aad, Maadaama ay ku jiraan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

 Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa diiday taliyaha cusub in uu kasoo dego Magaalada Kismaayo oo uu ku yaalla Taliska ugu weyn qeybta 43-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.