Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qarax loo waday gudaha Kenya.
Ciidamada amaanka Jubaland ayaa duleedka Magaalada Baladxaawo ku qabtay Qarax Miino ah oo ay sheegeen in dhinaca Kenya loo waday.
Wasiiradda arrimaha gudaha iyo Amniga ee Maamulka Jubaland ayaa sheegay in qaraxaasi loo waday in la geliyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
C/rashiid Xasan Nuur Janan oo ah Wasiirka amniga Jubba-land ayaa bulshada Magaalada balad-xaawo ee Gobolka Gedo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka si loogu guuleysto Al-shabaab.