Maamulka hirshabelle oo heshiis la galay dowlada Federaalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa heshiis la gaaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in dowladda sidoo kale la heshiiso dowlad Goboleedyada kale.

Warqad ka soo baxday Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle,Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dowladda Federaalka ah kala heshiiyeen tabashooyinkii maamulka.

Waxaa uu Maamulka Hirshabeelle ballan qaaday in uu dowladda Federaalka ah kala shaqeeyo in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada heshiiyaan.