Maamulka Hirshabeelle oo u digay Shacabka Kadib furitaankii Maxkamada Islaamiga ee Beledweyne

Kadib markii shalay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu xarigga ka jaray maxkamad Islaami ah oo laga furay Magaalada Baledweyne, ayaa masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle waxa ay u digeen dadka Garsoorka u doonta Maxkamadaha Shabaab.

Wasiirka Garsoorka iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Cabdi qaadir Cismaan Cabdi Salaan oo ka hadlaayay munaasabadii lagu furaayay Maxkamadda Islaamiga ah ee Hirshabelle, ayaa u digay dadka reer Hiiraan ee Garsoorka u taga deganada Shabaabka ay maamulaan.

Wuxuu sheegay haddii la furay maxkamad Islaami ah, dadkii Garsoorka u doonan jiray deganada Luuq Jeelow iyo Booco inaysan dib dambe u aadi karin deganadaasi oo Shabaab ay maamulaan.
“Marka waxaan leenahay reer Baledweyne is qab qabsi ma jiro, maanta kadib waxaa loo imaanayaa maxkamada halkaan ka jirta, waxaad dhihi jirteen meeshaan sharci ilaahey laguma xukumo , waxaad aadi jirteen Booco iyo Luuq Jeelow, haddii ay aayad wax ku xukumi jireen nimankaa, halkaan ayaa aayadii lagu xukumayaa, haddii aad si kale u taageersan tihiin hadde iyaga ku biira oo aada.” Ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Garsoorka Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka Hirshabelle, ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ka shaqeynin iska hor keenista Maamulka iyo Bulshada, xukunada isqab qabsiga ahna loo tago xarumaha maxkamadaha.