Maamulka Hirshabeelle oo Amar culus soo saaray

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in la joojiyo dagaalada ka dhaca gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne iyo Nawaaxigeeda.

Amar kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha ku dagaalama Baledweyne lagu Amray in ay ka hortagaan Colaadaha ,islamarkaana laga doonaayo in ay hirgaliyaan heshiiskii ay galeen maamulka Hirshabeelle.

Magaalada beledweyne ayaa Arbacadii aanu kasoo gudubnay waxaa iska hor-imaad ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo meleeshiyaad hubeysan.