Maamulka Gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay Degmadda Balad-xaawo, iyo dhismaha Darbiga Dowladda kenya ay dib u bilowday.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo Cumar Nur Xaaji oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay bilaabayaan dagaal Kenya looga difaacayo dhulka ay ku xadgubeyso ee Gedo kamid ah.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya ee Gobolka ay ku wargaliyeen in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Kenya, islamarkaana shacabka lagu taageero arinta difaaca dhulka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Kenya xadgudubka ay kawado Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, uusan kala joogsi laheyn loona baahan yahay in laga hortago.
Mudooyinkii dambe waxay xiisadd ay ka jirtay Degmadda balad-xaawo ee Gobolka Gedo,kadib markii Dowladda Kenya ay dib u bilowaday dhismaha Darbiga.
Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan ka hadlin arinta Darbiga Dowladda kenya ay ka dhisayso Xaduudka Dhanka Degmadda Balad-xaaawo.