Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Cida bixisay Amarka qaar kamid ah dhalinyarada degmada X/Jajab timaha looga xiiray

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka hadlay arrin maalmihii la soo dhaafay si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaddib markii Ciidamo Boolis ah ay bilaabeen inay dhalinyarada fooda ka jaraan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu baaris ku sameyn doono arrin ka dhacday degmada Xamar Jajab, gaar ahaan saldhiga Booliska, halkaasoo dhowr dhalinyaro timaha looga jaray.

Mr Tuulax ayaa sheegay in arrintaas ku dhacday amar shaqsi ah uu bixiyay Taliyaha Booliska degmada Xamar jajab, isla markaana aysan aheyn arrin uu ka war haayo Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay baraha bulshada la isla dhaxmarayay dhalinyaro timaha laga xiirayay oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan amniga, waxaan ku sameeenay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale,  waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyarada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale dhamaan taliyayaasha saldhigyadana waa lagaarsiiyay amarkaas”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Mr Tuulax.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heyn ku aadan dhalinyaro timaha laga jarayay oo Ciidamada Booliska ku sameynayeen, iyadoo arrintan dadka ku tilmaameen mid caburin ah.