Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin culus u diray Ganacsatada iyo dadka degaanka ku ah magaalada Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka dhanka  maamulka iyo Maaliyadda maamulka gobolka Banaadir oo Saxaafadda kula hadashay Muqdisho ayaa digniin u dirtay ganacsatada kunool Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in tilaabo ay ka qaadi doonaan cidwalba oo lagu helo in ay qashin soo dhigtay Wadooyinka iyo sidoo kale goobaha muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale tilmaamtay in laga bilaabo Bilowga Bisha soo socota waxii ka dambeeya cidii horteeda iyo goobaheeda Ganacsi laga helo Qashin in la ganaaxi doono.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho ayay ka codsatay in ay ka shaqeeyaan bilicda Magaalada Caasimadda ah , iyadoona sidoo kale sheegtay in Hay’addaha kala duwan ee dowladda laga doonaayo in ay dulqaataan xilliyadda Ololaha Nadaafadda laga waddo Muqdisho.

Inta badan Ganacsatadda Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in ay Wadooyinka Muqdisho ay kusoo shubaan qashinka ,kasoo dhibaato weyn ku haaya Bulshadda.