Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ayna markii ugu horeysay ku Daah-fureen Barnaamij loogu magac daray Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, tan iyo 1991-kii.
Munaasabad kooban oo lagu Daah-furayay Barnaamijkan oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti-dhowrka Dowladda, xubno ka socday UNDP-da iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiintii halkaasi ka jeedisay khudabaha ayaa dhamaantood waxa ay qireen sida loogu baahan yahay Barnaamijkan loogu magac daray Maareynta Maaliyadda Dadweynaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo Daah-furka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Gobolka in ay sharaf u tahay in ay Daah-fureen hab xisaabeedka Miisaaniyadda maamulka Gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho ujeedada Barnaamijkan loo Daah-furay in uu yahay laba arrimood oo ay ka mid yihiin kalsooni dhisida shacabka magaalada Muqdisho.
“Waxaa maanta runtii sharaf weyn inoo ah, in markii ugu horeysay aan Daah-furno Hab xisaabeedka Miisaaniyadda maamulka Gobolka Banaadir, ujeedadiisuna ay tahay laba ujeedo oo keliya, oo ay ka mid yihiin sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka.” Ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.