Qaar ka mid ah maamulada dalka jira ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Shirka looga hadlaayo dib u eegista Dastuurka ee lagu waddo in uu Berri ka furmo Muqdisho.
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa horay u sheegay in 8 Bishaan Shirkaasi uu ka furmi doono Muqdisho.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay maamulada Puntland, Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland in aysan imaan doonin Shirkaasi.
Sababta ay u diideen ayaa lagu sheegay in ay tahay Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo Siyaasadda maamulada iyo dowladda Dhexe.