Maamul Goboleedka Puntland oo DF uga digtay faragelinta Doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Dowladda Federaalka uga digtay faragelinta doorashada Jubbaland, waxayna sheegtay shacabka Jubbaland iyo Galmudug uu xaq dastuuri ah u baneynayo in ay qabsadaan doorasho.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegtay in ay muhiim tahay ilaalinta Madaxbaanida doorashooyinka maamul goboleedyadda.