Ma runbaa inuu is casilayo Ra’iisal wasaare Kheyre ..?

Mida ka mida Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay war ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in la bedelo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Idaacadda oo sida warkeeda lagu sheegay soo xigatay ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la magcaabin ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in la bedelo Ra’iisal wasaaraha si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Kadib xiriir aan la sameynay xafiisyada Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxtooyada ayaa naloo xaqiijiyay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur nanan sal lahayn.