Senetor Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha aqalka sare ee dalka ayaa ka hadlay iscasilaada Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.
Waxa uu sheegay in Jawaari uu qaatay go’aan odaynimo,islamarkaana uu dadka iyo dalka-ba u fududeeyay,wuxuuna meesha ka saaray wararka ku aadan in lacag la siiyay si uu isku casilo.
Dhanka kale Sanator Xuseen ayaa sheegay in walaac badan ka qabin in sida golaha shacabka oo kale arrintaan ay saameyn ku yeelato golaha aqalka sare.
Sanator Xuseen ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo aqalka sare uusan ka dhaxeyn xiriir toos ah markii horena aysan aqalka sare kalsooni siinin Xukuumadda uu hogaamiyo Raisulwasaare kheyre.