Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey Warar sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu iscasilayo balse Warkaasi uu beeniyay.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in Warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana laga been sheegay,waxaana Warqada ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Jawaari ku saxiixnaa Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdikariin Buux.