Warbixin ay soo saartay Hay’adda dunida u qaabilsan ogaanshaha awooda Ciidanka Millitariga ee (GFP) ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Masar ay tahay Dowladda Afrika ugu wanaagsan dhanka Ciidanka Millitariga.
Waxyaabaha lagu qiimeeyay Dowladda Masar oo ay ku gashay kaalinta koowaad ayaa ah in Ciidamadeeda ay heystaan Agab dhameystiran oo dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda ah.
Kaalinta labaad waxaa galay dalka Algeri, Saddexaad waxaa gashay Ethiopia, waxaana dhammaan Ciidamadan laga qiimeeyay qalabka ay heystaan, awoodahooda dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda intaba.
Dalkeena Soomaaliya waxa uu galay kaalinta 29-aad, waxaana keliya ka dambeeya Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.
Waxaa jira wadama badan oo Afrikan ah kuwaas oo ka maqan liiskan wadamada ka maqan ayaa waxan ka xusi karnaa Senegal, Togo, Burkinafaso, Malawi, Gambia, Djibouti, Eritrea, Botswana, Benin, iyo Swaziland. sidoo kale waxaa jira Wadamada yar yar ee jasiiradaha laguma soo darin liiskan.
Halkan ka akhriso Liiska oo dhamaystiran
- Masar
- Algeria
- Ethiopia
- Nigeria
- South Afrika
- Angola
- Morocco
- Sudan
- libya
- Democratic Republic of Congo
- Kenya
- Tunisia
- Zimbabwe
- Zambia
- Chad
- Tanzania
- Uganda
- South Sudan
- Ghana
- Cameroon
- Mozampique
- Niger
- Ivory Coast
- Mali
- Madagascar
- Gabon
- Republic of Congo
- Namimbia
- Somalia
- Central African Republic.
F.G Marka aduunka loo eego wadanka ugu wanaagsan Ciidanka Millitariga waxaa la sheegay in uu yahay dalka Mareykanka, waxaa ku xiga Ruushka, Chinaha, Hindiya iyo Ingiriiska.