Liiska musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug oo lasoo saaray

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 06/4/2017 ayaa waxaa lasoo gabagabeeyay qabashada liiska araajida shaqsiyaadka u tartamaya jagada madaxweyne ee maamulka Galmudug taasoo lagu wado in 10ka April ay ka dhacdo  degmada cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in ay soo gabi gabeeyeen diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in sedex Musharax ay buxiyen Shuruudihii looga baahnaa

Musharaxiinta Madaxweyne ee isku soo taagay qabashada Xilkii uu baneeyay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa kala ah , Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Musharax Axmed Shariif, iyo Musharax C/Qaadir Shirwac.

Sedexdan Musharax ayaana ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha Galmudug hadii uusan isbadal imaan waxna laga bedelin waqtiga doorashada loo qorsheeyay, waxaana Liiska Musharaxiinta ka maqan xubno horey loo hadal hayay.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan waxbo iskabadaleyn jadwalka doorashada Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay.