Labo Qarax oo ka dhacay Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo Gudoomiha Sh/ Hoose oo ku dhaawacmay

Guddoomiyaha  gobolka Shabeellaha Hoose iyo wafdi uu la socday oo ay ka mid ahaayeen Wariyayaal ayaa Goordgow waxaa qarax lagula eegtay xilli ay ku socdaalayeen Wadada u dahxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka-dheer.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah Gawaarida wafdiga,waxana Warark aan heleyno ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha G/Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha  Ayaan Xasan,halka qaar ka mid ah ilaalada Wafdiga ay geeriyoodeen.

Wariyayaal la socday Wafdiga oo ku sii jeeday gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay bad qabaan,isla markaana masuuliyiintii iyo askartii qaraxaas ku dhaawacantay loo soo qaaday Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Sidoo kale waxaa jira Qarax Miino oo asna ka dhacay Nawaaxiga degaanka loo yaqaano Weydow Qaraxaas ayaana lala eegtay Ciidamo Wadadaasi ku socdaalayay oo Saarnaa Gaariga loo yaqaano Cabdi Bilaha waxaana la sheegay inuu Hal Askari ku geeriyooday Qaraxaas Miinada ahaa sidoo kalena ay jiri karto Khasaaro intaasi ka badan balse wax Faah faahin dheeri ah weli lagama helin.