Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Gaari siday waxyaabaha qarxa.

Ciidamada oo kaashanaya kuwa  amniga Maamul gobaleedka Galmudug, ayaa waxaa u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan Gaari argagixisada Al/shabaab ay  waxyaabaha qarxa ku soo rareen oo ku wajahnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha laamaha Amniga ayaa sheegay in xog ay heleen kadib ay ku guuleysteen soo qabashada Gaarigan oo noociisu yahay Probox, kaas oo ay la socdeen laba Rag ah.

Taliyaha ururka 72-aad,  guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle, ayaa sheegay in Gaariga ay geeyeen Saldhiga degmada Guriceel, isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan howlgalkooda.
Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc