Kutlada Xasan Sheekh iyo 4 Xisbi siyaasadeed oo soo dhaweeyay go’aankii Madaxda Maamul Goboleedyada

Isbaheysiga mucaaradka ee Kutalada xildhibananada Baarlamaanka madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Horusocod iyo xisbiyada KMG ah ee Daljir, Wadajir, Kulan Nabadda aya taageeray go’aanadii madaxda dowlad Goboleedyada kasoo saareen magaalada Kismaayo.

Waxay taageereen go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya inay hareer martay waajibaadkeedii, waxayna sheegeen inay la qabaan dareenka ay muujiyeen madaxda maamul goboleedyada ee horumar la’aanta dhinacyada amniga, siyaasiyadda iyo Cadaallada