Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan oo weeraray Kuunyo Barow

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ciidamada kumaandooska iyo kuwa Mareykanka oo diyaarado watay ay ku degteen meel ku dhow Kuunyo Barow, kaddib weerar dhul iyo cir ka geysteen saldhig Shabaab ku lahaayeen.

“Ciidamada sida gaarka u tababaran Kumaandooska ee Danab loo yaqaano iyo Ciidamada Mareykanka ayaa ku degtay deegaanka Kuunyo Barrow, waxay bur buriyeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlay Warbahinta Afka Dowlada ku hadashay,

Waxaa uu sheegay in deegaanka Kuunyo Barrow oo qiyaastii 90km u jirto Baraawe ay ka mid tahay goobaha Al-Shabaab ka soo abaabulaan weerarada iyo qaraxyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in todobaad ka hor uu deegaankan ka dhacay labo weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka, waxaana dhowr jeer oo hore jiray weeraro ay ka qeyb qaateen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska oo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeelaha Hoose.