Kulan looga hadlaayay sidii dowladda Sweden u aqoonsan lahayd Baasaboorka Soomaaliga oo Muqdisho Ka dhacay (Sawiro)

Agaasimaha guud ee Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Moxamed Adam Koofi  iyo Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Swedan Mikael Lindvall ayaa kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho.

Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimood oo ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaliga ah.