Kulan kale oo ay yeesheen Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa la isku mari waayay, kaddib markii Ganacsatada ay diideen codsi ku aadan inay dib u furaan suuqyada ganacsi, si xal looga gaaro muranka Ganacsatada Muqdisho iyo dowladda ee ka dhashay canshuurta Iibka ee lagu soo rogay.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku adkeysaneysa canshuurta Iibka ee 5% ay waajib tahay, hase ahaatee ganacsatada ay ka biya diidan yihiin in canshuurta iibka laga qaado Dekeda, isla markaana la qaado kaddib marka wax la iibsanayo, balse aanay aheyn in Dekeda looga qaado alaab aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto khasaare iyo faa’ido midna.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ku doodaya inay waligood ay bixin jireen canshuurta, balse tallaabadan cusub ay tahay mid cunaqabateyn ku ah.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa la filayaa inuu kulan la qaato Guddiga ka socota Ganacstada Gobolka Banaadir, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowladda.
Sidoo kale Ganacsatada ayaa ka dalbaday Madaxweynaha inuu soo farageliyo khilaafka ka dhashay canshuurta iibka ah ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.
Waxaa maanta shaqo joojin ka jira Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo ay saameyn ku yeelatay boqolaal qof ee ka xamaalan jiray suuqa oo nolol maalmeedkooda ka soo dhacsan jiray.