Kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Jabuuti ee Madaxweyne Geelle (Sawiro)

Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Jabuuti, Halkaasoo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana ku qaabilay qasriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan sharaf uga qaatay Ciidanka jamhuuriga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya iyo danaha labada dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan ay qaateen waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono, sidoo kale waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah tii 3aad ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalalka deriska, waxaa uu horay u booqday dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

SAWIRO