Ku-Dhawaad 4000 Oo Qaxooti Ah Oo Dib Uga Soo Laabtay Xeryaha Kenya

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayay ku sheegeen in  labadii todobaad ee la soo dhaafay Soomaaliya dib ugu Laabteen 3,786 Qaxooti Soomaali ah kuwaasoo mudo dheer qaxooti ku ahaa xeryahay Dhadhaab,

Hay’adda UNHCR ayaa sidoo kale shegtay in 21,940 Qaxooti ah ay codsadeen inay dib ugu laabtaan dalkooda isla mar ahaantaana laga taageeri doono dhinaca qarashaadka iyo tasiilaadka,

Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala gudaha dalka Kenya ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah kuwaasoo gabaad ka dhigtay 30 kii sano ee la soo dhaafay si ay uga badbaadaan colaadaha ka holcayay dalka soomaaliya, Waxaana dhawaan soo baxday in dowlada Kenya ay qorshaynayso in ay albaabada u laabi doonaan,