Kooxo hubeysan Oo Nabadoon Caan ah Ku dilay Dagmada Qoryooleey

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay degmadaasi.

Sheekh Ibraahim Kaba-cadde,  ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore Masaajid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib, ka dib markii ay soo weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Ragga dilka gaystay oo tiradoodu laba nin lagu sheegay, ayaa waxaa la tilmaamay in ay qaarka sare ka toogteen Sheekh Ibraahim, iyadoo uu goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii ay la dhaceen.

Goobjooge-yaal, ayaa waxay Warbaahinta Goobsan u sheegay in ragga dilka gaystay ay nabadoonka ku suggayeen bannaanka Masaajidka, intii ay dadka ku tukanayeen Masaajidkaasi. Goobjooge-yaasha waxay kaloo sheegeen in ay baxsadeen dhagar-qabayaasha dilka ka dib.

Ciidamada Booliska oo ku baxay halkaasi, ayaan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha, oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin mintidiinta Al Shabaab.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal), ayaa Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin tallaabada lagu dilay Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

Wariye Amin Ibrahim (Amin yare) Qoryooleey Sh.Hoose