Koox ka tirsan Amniyaatka Al-shabaab oo lagu qabtay Gobolka Hiiraan

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay howlgal ay sameeyeen in ay gacanta ku dhigeen Rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay dilal qorsheysan ka fulin jiren Gobolka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daba jiraan kuwa kale oo la shaqeyn jiray raga ay howlgalka ku soo qabteen.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo u Waramay Warbaahinta ayaa sheegay in ay joogteynayaan howlgalada amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu tilmaamay in kuwa hada ay gacanta ku dhigeen ay horay ugu baxsadeen maamulka gobolka Hiiraan iyaga oo dil ka geystay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ugu baaqay shacabka iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka, una soo gudbiyaan xoogaha ay hayaan.