Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya uga fadhida jawaabta ay ka bixineyso Xukunka Maxkamadda ee Bishii February Sanadkan 2017ka ay go’aamisay,kaas oo Kenya looga adkaaday wajiga 1aad ee dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Kenya Githu Muigai,ayaa u sheegay Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa Kenya in jawaabta ay bixinayaan ay noqon doonto saddex qeybood oo kala ah; warbixin la xiriirta xaqiijinta lahaanshaha biyaha ay ku doodayaan,warbixin la xiriirta dhinaca sharciga iyo midda ugu damebysa oo ah in waqtiga loogu talagalay ay ku gudbiyaan.
Kenya waxaa jawaabta looga fadhiyaa in ay bixiso ka hor 18ka Bishan December,maaddaama Maxkamadda ay Kenya u qabatay muddo sanad ah in ay kaga jawaabto go’aanka Maxkamadda ee wajigii 1aad,kaas oo ay Soomaaliya ku guuleysatay.
13kii July 2015kii ayey Soomaaliya u gudbisay dacwadda Badda ee kala dhexeysa Kenya Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ,waxaana wajiga 1aad uu ahaa bal marka hore in kiiskan Maxkamadda gasho iyo in aysan gelin,Kenya waxaa ay ku doodeysay in kiiskan aysan ahayn in ay Maxkamadda gasho labada dalna is faham u gaar ah ku dhameystaan,laakiin Soomaaliya waxaa ay ku adkeysatay in kiiskan Maxkamadda qaaddo.
Waqti la siiyay labada dal ayey dood dheer kaddib Maxkamadda dhegeysatay dooddooda waxaana 2dii February Sanadkan Maxkamaddu go’aamisay in ay qaadeyso kiiskaas ciddii muran ka qabtana ay tahay in ay soo gudbiso cabashadeeda taas oo hadda Kenya loiga fadhiyo.
Garyaqaannada Kenya ayaa ku doodaya in haddii kiiskan Kenya looga adkaado oo ay Soomaaliya ku guuleysato uu muran badeedka u wareeganayo Kenya iyo Tanzania,halkaas oo ay Kenya sheegeyso in ay biyo ka jiraan.
Doorashada Garsoorayaasha cusub ee Maxkamadda ICJ ayaa dhawaan dhaceysa waxaana uu xilka ka dhamaanayaa Joyce Aluoch oo u dhashay Kenya iyo Sanji Mmasenono Monageng.oo u dhashay Botswana,waxaana ay xilka wareejin doonaan 10ka March 2018-ka.
Labadan Nin ayaa Garsoorayaasha Maxkamadda ka ahaa sagaalkii Sano ee la soo dhaafay,waxaana sharciga Maxkamaddu qabaa in aysan dib u soo laaban karin.
Doorashada Garsoorayaasha cusub ee ICJ,waxaa ay dhaceysaa 5-6da Bishan December,waxaana Dalalka Afrika ugu jira musharrixiin ka kala socda dalalka kala ah Benin, Ghana, Uganda iyo Lesotho.
Goobsan Media