Khilaafkii Madaxda Dowlada Oo Heshiis Laga Gaaray

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay, iyadoo Wasiira Amniga C/llaahi Maxamed Nuur uu sii haayo xilkiisa, halka Yaasiin Farey uu Kusimaha Taliyaha NISA uu noqonayo, inta Taliye cusub laga soo magacaabayo Taliye cusub, Bashiir Goobe ayaa Wasiiru Dowle loo magacaabayo.Kiiska Ikraan Tahliil waxaa looga dambeynayaa Hey’addaha Garsoorka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahaim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lagu heshiiyay qodobadan hoos ku qoran;
1- In ayada oo la eegayo dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, ay madaxda isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka.

2- Inay si buuxda u wada shaqeyeaan hay’adaha amniga dalka, si loo sugo amniga doorashada loogana hortago kooxaha argagixisada.

3- In wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa, oo aanay waxba iska beddelin.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.
5- In Yaasiin Farey uu ahaado sii-hayaha xilka taliyaha NISA, inta uu Farmaajo kasoo magacaabayo taliye cusub oo lasoo marsiinayo Golaha Wasiirada, si ay u ansixiyaan.
6- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka.