Khilaafka Xoogan oo soo kala dhax galay horjoogayaasha khawaarijta Al-shabab

Kadib kolkii khawaarijta looga adkaaday dagaalada ka socda gudaha dalka,waxaa sii kordhaya kala shakiga iyo khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay  horjoogayaasha khawaarijta ee ku sugan meello kamid ah dalka.

Kala shakigaan ayaa sababay in Xannibaad lagu soo rogo horjoogayaal badan,isla markaana la xakameeyo dhaqdhaqaaqooda,iyadoo sidoo kale loo diiday in ay wax xiriir ah la sameyaan xaasaskooda iyo kuwa kale ee la shaqeeya.

Horjoogayaasha khawaariijta ee la tilmaamay in ay ku jiraan go’doonkaasi, ,waxaa kamid ah  Xasan Afgooye , Farxaan Kaahiye, Nuur dheere , Ismaaciil Cosoble , Macalin Jiinoow iyo Muuse Muhaajor oo ka soo jeeda dalka Kenya.

Dhammaan dhagarqabayaashaasi ,waa kuwo shacbiga Soomaaliyeed u geystay arrimo ay kamid yihiin barakac,dil,boob hanti iyo kuwo kale oo wiiqay horumarkooda.

Illaa hadda majiraan wax safar ah ama isu socod ah oo ay sameyn karaan kooxaha khawaarijta,gaar ahaan kuwa horjoogayaasha ah ee abaabula dagaalada lagu qaado shacabka.

Jabril yahye Isse                                                                                                Goobsan Media