Khilaafka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo laga cabsi qabo inuu saameeyo Ganacsiga Soomaalida

Xildhibaan Siidoow Aadan Abaadir oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhaxeeya kadib lacag ay dowlada Soomaaliya dhawaan ku qabatay Garoonka Diyaardaha Muqdisho oo uu Imaaraadka lahaa

Siyaasigan ayaa sheegay in dagaalkaan siyaasadeed uu sameyn ku yeelan karo ganacsiga maadaama Soomaaliya uu ganacsigeeda  ku xiranyahay Abu dhabi.

Xildhibaankaan hore ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu Tababaray qaar kamid ah  ciidamada Soomaaliya uuna bixiyo mushaaraadkooda.

Sidoo kale waxa uu  sheegay in ay fureen  xarumo  Caafimaad oo lagu daaweeyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in Xukuumada Soomaaya ay Imaaraadka ka xigsato Qadar.