Khawaarijta Shabaab oo saaka lagu jabiyay weerar ay soo qaadeen.

Dagaal culus oo saaka aroortii ka dhacay Dagmada Ceel dheer ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac

Koox katirsan khawaarijta AS ayaa weerar ku qaaday Magaalada iyagoo doonayay in ay qabsadaan waxaase halkaasi ka dhacay dagaal culus iyadoo Ciidamada Dowlada iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen in ay AS iska difaacaan kuna qasbaan in ay dib ugurtaan.

Meydadka tiro beel ah oo AS oo ay ka carareen ayaa lagu arkay banaanka Magaalada walina lama xaqiijin qasaaraha dhabta ah inta uu la egyahay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Fiqi ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku saaka waxay Khawaarijta ugu dhigeen cashar lama ilaawaan ah magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Maydadkoodii iyo dhaawacooda toona ma awoodin inay qaataan! Mahad Alle ayaa leh.”