Khasaaro ka Dhashay Dad La Socday Gaari Meyd Siday Oo Lagu Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho

War goordhow na soo gaaray ayaa waxa uu sheegaya in Gawari ay la socdeen dad rayid ah goordhow lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalaa muqdisho.

Gawaarida la rasaaseeyay ayaa waday Meydka qof Eheladooda ah oo geeriyooday si ay usoo aasan,balse rag hubeysan ayaa la shegay n mid ka mid ah Gawaarida Meydka siday ay rasaas ku furen.

Wararka hordhaca ah oo na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayn in ilaa iyo Lix ruux ay ku geeriyooden rasaastaas sidoo kale waxaa jira khasaaro dhaawac ah.

Gawaarida la rasaaseeyay ayaa waday Meydka qof Eheladooda ah oo geeriyooday si ay usoo aasan,balse rag hubeysan ayaa la sheegay n mid ka mid ah Gawaarida Meydka siday ay rasaas ku furen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa noo sheegay in Gaariga uu waday Wiil uu dhalay Xaaji Gaaboow islamarkaana ay wadeen meyd, islamarkaana mashaqadaan ay qabsatay xili ay marayeen halka loo yaqaano isbaarada Shabeelle.

Wararka waxay intaas Ku darayaaa in ilaa iyo Lix ruux ay ku geeriyooden rasaastaas kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Qoyska Reer Xaaji Gaaboow oo ahaa Qoyska leh Sarta Xaaji Gaaboow oo ku taalla degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa uu jiro dhaawaca 4 kale oo Gaariga la rasaaseeyay saarnaa kuwaas oo hada lagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada muqdisho.