Khariirado la helay ayaa muujinaya in diyaarada dalka Qadar ay isticmaalayaan Hawada Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways tan iyo markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.

“Diyaaraddaha Qadar Airways, ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin kasta, ka hor inta aysan qarxin xiisada u dhexeysa Qadar iyo qaar kamid ah dowladda Carrabta”,  sidaasi waxaa wakaalladda wararka ee AP u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya oo aan fasax u heysan in uu warbaahinta la hadlo.

Khariirad muujineysa isticmaalka diyaarada Qatar Airways oo la helay ayaa muujinaysa in dhowr diyaaradood oo ka mid ah diyaaradaha Qatar Airways oo qaarkood ka yimid dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ay dul mareen hawada Soomaaliya.

Mid ka mid ah duulimaadkii Qatar Airways oo ka soo duushay Jaziirada Zanzibar, kuna socotay magaalada Doxa ayaa dul maray Hawada Soomaaliya, taasoo ahaa duulimaadkii u horeeyay ee Qatar Airways isticmaasha Hawada Soomaaliya.

Dhowr diyaaradood oo ay leedahay Qatar Airways ayaa si toos ah u isticmaalay hawada Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay, kuwaasoo dul maray magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

Lama oga in dowladda Soomaaliya iyo Qatar ay arrintan ka wada hadleen, isla markaana dowladda ay ogolaansho siisay, hase ahaatee maamulka Hawada Soomaaliya ayaa gacanta ugu jirin dowladda Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeya bur burkii dalka, Hey’add lagu magacaabo ICAO ayaa gacanta ku heysa Hawada Soomaaliya, taasoo fadhigeeda yahay Nairobi.

HALKAN KA EEG KHARIIRADA