khabiir dhinaca Qaraxyada ah oo lagu qabtay Ex-Koontarool Afgooye

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Nin ka tirsan Al-shabaab una qaabilsan Qaraxyada.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Hay’adda NISA,ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye lagu qabtay xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-shababa.

nabad Sugidda ma sheegin magaca Ninka ay qabteen,waxaana kaliya ay sheegeen in uu yahay khabiir dhinaca qaraxyada ah oo ka tirsan Al-shabaab.

NISA ayaa dhowr jeer sidan oo kale waxaa ay sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabab kuwaas oo ay sheegeen in ay fulinayeen qorsheyaal ka dhan ah amniga Muqdisho.